Dowladda Ruwanda oo dhaawacyada ugu deeqday daawo ku kacaysa 1 milyen oo dollar

Date:

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  mudane Mukhtaar Mahad Daa’uud ayaa Safar shaqo kujooga magaalada Kigali ee Dalka Ruwanda halkaasi oo uu kula kulmay mas’uuliyiin kaladuwan.

Waxaa uu  la kulmey wasiirka arrimaha dibadda Ruwanda iyo Wasiirka Cafimadaka Dalkaasi Diane Gashumba,iyagoo ka wada hadlay sidii Dowladda Ruwanda ay kaalinteeda uga qaadan lahayad u gar gaaridda dadkii ku dhaawacmay qarixii 14kii bishan ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Dowladda Ruwanda ayaa waxay ku deeqday dawo qimiheeda uu gaarayo 1 million oo dallor taasi oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka dhibanayaasha ah.

Wasiirka arrimaha dibadda Wadanka Ruwanda Ms. Louise Mushikawebo iyo Wasiir ku xigeenka Arrimahada dibadda Soomaaliya ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya wadamada Soomaaliya iyo Ruwanda.

Tan iyo markii uu dhacay qarixii bahalnimada ahaa oo boqolaal qof ay ku nafwaayeen islamarkaana kuwo kale ay ku dhaawacmeen waxaa sii kordhayay dowladaha u soo gurmanaya Soomaaliya,waxaana bar bar socda gurmad deg deg ah oo shacabka Soomaaliyeed ay dhexdooda isku fidinayaan.

Wadanka Ruwanda ayaa ah wadan taariikh ku leh Africa marka loo fiiriyo dagaalada sockeye iyo burburkii dalkaasi uu soo marey iyo sida ay haatan shacabkiisa iyo Dowladduba ay gacmaha isku haystaan,taasi oo horseedey in ay horumar dhankasta leh ay ku talaabsadaan.

Soomaaliya oo kamid ah wadamad adagaalada sokeeye iyo burburka soo marey ee Afrika katirsan ayaa haatan u muuqataa in ay dhabihi horumarka ay hayso,inkastoo weli dagaal xoogan lagula jiro kooxaha argagixisada oo hortaagan horumarka umadda Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...