Xaaladda Jasiiradda Puerto Rico oo laga dayrinayo

Date:

Xaalada ka jirta jaziiradda Puerto Rico ee ka tirsan dalka Mareykanka oo ay labo jeer ku dhufatay duufaanta Hurricane ayaa ah mid aad u liidata xilli muran siyaasadeed oo ba’an uu hareeyay dedaalada Mareykanka uu kaalmada ku gaarsiinayo dadka halkaa deggan.

Toban maalmood kaddib masiibadaasi ayaa deegaanada Jasiiraddaasi waxaa ka jira koronto la’aan, iyadoo deegaanada ka baxsan magaalada caasimadda ahi aanay ka jirin biyo, cunno iyo shidaal.

Dedaalada gargaarka loogu fidinayo dadka halkaa ku tabaaleysan ayaa sii xoogeysanayo, iyadoo gawaari kuwa xamuulka ahi ay gargaarka aadka loogu baahan yahay gaarsiinayaan halkaasi.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qoraallo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku ballan qaaday in uu taageero u fidin doono dadka Puerto Rico ee ay duufaantu wax yeeleysay. Balse waxa uu xaaladda halkaa ka jirta ku eedeeyay saraakiisha maxaliga ah ee Jasiiraddaasi, xisbiga dimuquraadiga iyo warbaahinta.

Weriyeyaasha ayaa sheegaya in madaxweyne Trump uu halis ugu jiro inuu siyaasadeeyo masiibada bani’aadannimo ee halkaasi ka dhacday, iyadoo ay suurtagal tahay in dadka ku dhaqan Puerto Rico ay dareemaan in ay yihiin muwaadiniin ka derajo hooseeyo kuwa kale ee Mareykanka.

Xigasho BBC Somali

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...