Washington”weerar kuma nihin Kuuriyada Waqooyi”

Date:

Mareykanka(SONNA) War ka soo baxay Xukuumadda Washington ayaa lagu sheegay in Dowlada Mareykanka aysan duulaan ku ahayn xukuumadda Pyongyang ee Kuuriyada Waqooyi.

Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayaa sheegay in Mareykanku uusan iclaaminin dagaal ka dhan ah Kuuriyada Waqooyi,kadib markii ay cirka isku shareertay xiisadaha dhanka diblomaasiyadeed iyo hanjabaadda Kuuriyada Waqooyi iyo Mareykanka Masuuliyiintooda ay warbaahinta isku waydaarsanayaan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Waqooyiga Kuuriya Ri Yong Ho  oo warbaahinta kula hadlay banaanka xarunta QM ee New York ayaa sheegay in Mareykanku uu ku dhawaaqay dagaal ka dhanka ah Xukuumadda Pyonyang,waxaana Hadalkan kasoo baxay Aqalka Cad uu jawaab u yahay warkaasi uu jeediyay Wasiirka.

Madaxweynaha Mareykanka Donal Jey Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiita Twitterka ku sheegay in Kuuriyada Waqooyi aysan waxbadan sii jiridoonin hadii ay ku sii socoto dhabaha ay haatan hayso,taasi oo soo dedejisay hadalkan uu saxaafadda u jeediyay Wasiirka arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi.

Hogaamiyaha Da’da yare e Kuuriyada Waqooyi  Kim-Jon un ayaa u muuqda in uusan dhag jalaq u siinaynin hanjabaadaha Mareykanka,iyadoo taasi ay sii dheer tahay xayiraadaha ay QM ku soo rogtay Kuuriyada Waqooyi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...