Madaxweyne Farmaajo oo shir guddoomiyay kulan ku saabsanaa dib u eegista Dastuurka

Date:

Muqdisho, Sebtember 23, 2017 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xarunta Madaxtooyada ku guddoomiyey shir ku saabsan dar-dar gelinta hawlaha dib u eegista dastuurka.

Shirkan waxaa ka soo qayb galay, Guddoonka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, Raiisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda, Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Labada Guddi ee dib u eegista dastuurka.

Madaxweynaha waxaa loogu soo bandhigay shirka, warbixinno ku saabsan halka ay maraayaan qorshayaasha dib u eegsita dastuurka, heerka wada shaqayneed ee ka dhaxeeya laamaha ku howlan, iyo habka looga gudbi karo caqabadaha hortaagan dhammaystirka dastuurka.

Raisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliye Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in laga wada shaqeeyo dhammaystirka dastuurka, si loogu gudbo qorsheyaasha sal-u-dhigista nidaamka Federaalka.

Madaxweynuhu ayaa kula dar-daarmay dhammaan masuuliyiintii ka qayb galay shirka in ay ka soo baxaan hawsha adag ee loo xil saaray, isaga oo ka codsaday in muddo 10 maalmood ah ay ugu soo gudbiyaan qorshe howleed dhammaystiran.

“Maanta, haddii aan ka faaiidaysano khibraddeena iyo aqoonteenna waxaan aaminsanahay in aynu ku dhamaystiri karno hawlaha dastuurkeenna si wanaagsan oo sharaf leh, umadduna ku qancaan beesha caalamkuna nagu ixtiraamaan.”

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka, Xubnaha Guddiga Madaxa bannaan iyo Guddiga Barlamaanka ee la socodka dib-u-eegista Dastuurka ayaa madaxweynha u muujiyey sida ay uga go’antahay ka shaqaynta iyo dhammaystirka dastuurka.

 DHAMMAAD

 05A7545

 05A7383

 05A7530

 05A7449

 05A7575

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...