Madaxweyne Uhuru Kenyatta” Maxakamadda sare waxay sameysay inqilaab”

Date:

Muqdisho(SONNA) Guddiga Doorashooyinka madaxtinimo ee dalka Kenya ayaa ku dhawaaqey in dib loo dhigay doorashada  26-ka bisha soo socota ee Octobar,Waxayna gudiga doorashooyinka Kenya doonayaan in wax laga badalo howlaha doorashada,iyaoo hore qorshuhu uu ahaa in Doorashada ay dhacdo 17-ka Octobar.

Dhanka kale war uu soo saaray Madaxweyne Uhuru Kenyata ayaa maxkamada saree e dalka ku eedeeyey inay inqilaabeen dadka reer Kenya,kadib markii Maxkamada sare ee Kenya oo  waxba kama jirraan ka soo qaaday oo laallay natiijooyinkii doorashadii horray u dhacday.

Dadka odoroosa arrimaha Siyaasadda Kennya iyo kormeerayaasha caalamiga ah ayaa muujinaya cabsi laga qabo xiisadaha siyaasadeed ee haatan jirra,maadaama weli ay sii kordhayaan walaaca iyo muranada siyaasadeed.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa heley codad gaaraya 54. Halka Raila Odingana la sheegay inuu hellay boqolkiiba 44, natiijada doorashadii hore ee dhacday balse maxakamaddu ay laashey.

Sanadii 2007-dii ayaa rabshadihii dhacay doorashada ka dib waxaa ku dhintay  1200 oo qof kadib markii xiisado siyaasadeed ay ka dhasheen doorashooyinka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dekadaha XFS oo ka qeybgalaya shirka 34-aad ee Golaha Hay’adda Baddaha Adduunka.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur,...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Muqdisho ka furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magaalada Rabat kula kulmay dhiggiisa dalka Morocco.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo Booqday Xarunta Dhexe ee Warbaahinta Malaysia.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS,...