Wasiirada Arrimaha Dastuurka ee Dawladda dhexe iyo D/Goboleedyada oo kulmay(SAWIRRO)

Date:

Muqdisho(SONNA):–Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dawladda dhexe iyo Dawlad Goboleedyada oo seddexdii bilba mar la qabto, shirkan oo ay soo qabanqabisay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qaybgalay dhamaan Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee D/Goboleedyada.

Shirkan oo socon doona labo maalin ayaa ujeedadiisu tahay sidii Wasiirada uga arinsan la haayeen Shir-weynaha Qaran ee Arrimaha Dastuurka ee bisha Oktoobar Muqdisho ka furmi doono.

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo shirka furay ayaa uga mahadcelyay D/Goboleedyada sida ay uga soo qaybgaleen kulanka.

“Masuuliyad wayn ayaa na saran, waxaan ku faraxsanahay oo aan rajeynayaa in anaga oo aysan dad ajnabi ah nagu dhex jirin sida shirkeenan maanta oo kale aan hawlaheena qabsano oo wadashaqeynteenna xoojinno; waan idinkaga mahacelinayaa ka soo qaybgalkiina waxana kawada hadli doonaa sidii aan isaga kaashan lahayn hawlaha soo socda oo uu ugu horeeyo Shir-weynaha Qaran” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Sidoo kale Wasiirka isaga oo ka hadlayay faa’idada Madashan seddexdii bilba mar la qaban doono ayuu yiri “Waxaad ogtihii in shirkii sedex bil ka hor ee Wasiirada D/Goboleedyada aan la yeelannay qodobadii ka soo baxay ay kamid ahayd in Madashan la aas-aaso oo boqolkii maalinba mar ay qabsoonto, Ujeedada ka dambaysay waa in Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka aan tusno in loo mideysanyahay dib-u-eegista Dastuurka”.

Dhanka kale, Wasiirada D/Goboleedyada oo shirka ka hadlay ayaa warbixin ka bixiyay waxyaabihii u qabsoomay boqolkii maalin ee la soo dhaafay, sidoo kale waxa ay Wasaaradda uga mahadceliyeen qaban-qaabada shirka madasha.

Gabagabadii, shirkan ayaa beri soo xirmi doono waxaana ka soo bixi doona War-murtiyeed.

—–DHAMAAD—–

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka gaashaandhigga oo qaabilay danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XILKA AGAASIMAHA NISA U WAREEJIYEY MUDANE MAHAD MAXAMED SALAAD

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)

Shirkaddii Turkida ee baarista 3-D maxay arkeen/sheegeen? Waxay arkeen dhulka...

Haya’adda isgaarsiinta Qaranka oo ka qayb gashay shir ku kulmeen dalalka ku midoobay( EAC)

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa ka qeyb gashay Shirweynaha 30-aad...