Madaxweyne Trump oo khudbadiisa ugu horeysay ka jeedinaya shirka Golaha Guud ee QM

Date:

Muqdisho(SONNA) Donald Trump  Madaxweynaha Mareykanka ayaa lagu wadaa inuu maanta ka jeediyo khudbadiisii ugu horreysay shirka sanadlaha ah ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Mas’uuliyiin katirsan Aqalka Cad ayaa wariyeyaasha u sheegay in madaxweyne Trump uu si xoog leh u cambaareyn doona dalalka Kuuriyada Waqooti, Iran iyo Venezuela.

Trump wuxuu ka dalban doonaa xubnaha Qaramada Midoobay in ay ka horgataan gantaalada baalistiga iyo hubka niyukleerka ah ee xukuumadda Pyongyang ka hor inta aysan Kuuriyada Waqooyi noqon kuwo adag.

Wuxuu kale oo uu ka hadli doonaa mawqifka Dowladiisa ee ku wajahan khilaafka ka dhaxeeya maamulkiisa iyo Dowlada Iran. Iyo sidoo kale qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan dalka Venezuela.

Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa maanta ka furmi doona xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay dabaal-daga 1-da Luuliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka...

Muqdisho oo si weyn looga xusayo 1-da Luuliyo

Magaalada Muqdisho waxaa ka socota munaasabad weyn oo loogu...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay munaasabadda calan-saarka 1-da Luuliyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...