Sedex qof oo ku dhimatay shil gaari oo ka dhacay duleedka Magaalada Jowhar

Date:

Jowhar(SONNA)-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in shil gaari oo ka dhacay Gobolka Shabeelaha dhexe gaar ahaan deegaan  koonga oo qiyaastii u jirta 5-km magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle.

Weriyaheena Magaalada Jowhar Abuukar Bacadle oo gaaray Goobta uu shilka ka dhacay ayaa inoo xaqiijiyay in shilkii galabta ka dhacay degaanka koongo ay ku dhinteen dad gaaraya ilaa 3 ruux oo midu tahay dumar,halka dhaawacana yahay 4 ruux.

Dadka dhintay iyo kuwa dhawacmay ayaa kala saarnaa gaari Nooha ah oo ka yimid Muqdisho iyo Mooto Bajaaj kuwaasi oo si kedisa iskugu dhacay.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka Siyaasada Gobolka Shabeelaha dhexe Mudane Maxamed Cabdi Sheekh Muumin iyo Taliyaha saldiga Jowhar dhame Maxamed Siyaad canjeex ayaa sheegay inay u gurmadeen dadka shilkan waxyeelada ka soo gaartay isagoo xusay in dadkii ku dhawacmay  la dhigey isbitaalka magaalada Jowhar.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...