Heshiis Taariikhi ah oo dhex maray Ururada Xamaas iyo Fatax ee Falastiin

Date:

Muqdisho(SONNA) Ururka  Xamaas, oo fariisin ku leh marinka Ghaza ee dhulka Falastiin ayaa shaaciyay, in uu kala direyo maamulkiisa si uu u qabto doorasho guud taasi kadib markii heshiis laga gaarey khilaafkii u dhexeeyey Xamaas iyo Fatax.

Talaabadan ayaa loogu talagalay soo af-jarista khilaafka siyaasadeed iyo midka dhuleed ee ka dhex oognaa Xamaas iyo ururka Xoreynta Falastiin ee Fatax loo yaqaanno ee uu hogaamiyo madaxweynaha falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas.

Go’aankani ayaa lagu tilmaamayaa in uu yahay mid dhabaha u xaareya dhismaha xukuumad dib u heshiineed oo loo dhan yahay.

Khilaafka labada dhinac ayaa soo billowday sanadkii 2007-dii, kadib markii Xamaas oo markaa cod buuxa lagu doortay ay ka saartay Fatax guud ahaa marinka Ghaza.

Marinka Ghaza ee Falastiin waxaa ka jirta xaalad bani’aadanimo oo aad u adag, waxaana ka jirta baahi weyn oo ka dhalatay korontada oo dhulkaasi intiisa badan ka maqan.

Dowladda Masar ayaa dowr muuqda ku leh heshiiskaasi, kadib markii ay garwadeen ka noqotay wada hadalo in muddoo ah labadaasi dhinac uga socday magaalada Qaahir ee Dalkaasi Masar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay madax iyo siyaasiin heer qaran ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo Guddi Xildhibaano ah magacaabay

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...