Degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool Waxaa gaaray Wefdi uu hogaaminaayey Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Dawladda Soomaaliya, ahna guddoomiyaha guddiga tirakoobka ciidanka xoogga dalka Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble.
Wefdiga waxaa qeyb ka ahaa xubno kakalasocoday Wasaaradda maaliyadda, Bangiga Aduunka, Guddiga Difaaca Baarlamanka Dawladda Soomaaliya iyo dawladaha Ingiriiska Iyo Mareykanka xubno kasocoday oo iyaguna intabadan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya kataageerayey dhanka mushaaraadka.
Shalay ayey wafdigaan gaareen degmada Waajid ee gobolka Bakool, halkaasi oo ay ku tira koobeen ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Waajid.