Tababar aqoon kororsi ah oo ku saabsan hababka kala duwan ee doorashooyinka, ayaa loo qabtay xubno ka socday hey’adaha qaabilsan arrimaha doorashooyinka iyo shaqaalaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka, waxaana Aqoon is waydaarsigan soo qaban qaabiyay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka.
Aqoon is waydaarsigaan oo socondoona muddo Saddex maalmood ah ayaa waxaa furay gudoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaacil Ibraahim (Xaliimo Yareey .)
Qubarro ku xeeldheer arrimaha doorashooyinka ayaa bixinaya casharro ka tarjumaya hababka kala duwan ee doorashooyinka, iyadoo xubnihii ka qeybgalay aqoon is waydaarsiga ay is dhaafsaden aragtiyo la xiriira mowduuca.
Dr. Daahir Mirre Jibriil xoghayaha guud ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in aqoon is waydaarsigan uu ahmiyad leeyahay ayna ka soo bixidoonaan qodobbo dhaxalgal ah, lana wadadagi doonaan hey’adaha dowladda iyo maamul goboleedyada dalka.
Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa wajibaadkiisu yahay in dalka uu gaarsiyo doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020-ka waxa ayna wadaan dadaallo arintaas loogu diyaar garoobayo.