Maamulka Gobolka Gedo oo ka warbixiyey Dagaalkii shalay ka dhacay degmada Baledxaawo.

Date:

Muqdisho (SONNA) Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa duqeyn la eegtay Maleeshiyadii Shabaab waxyar un kadib markii ay Weerarka ku qaadeen degmada Baledxaawo ee gobolka Gedo.

Duqeyntaasi ayaa la rumeysan yahay in khasaaro naf iyo maalba ay ka gasoo gaarto Maleeshiyaadka oo laga gubay Gaadiid dagaal, ka hor inta ay kasoo laaban deegaanadii ay kusoo duuleen.

Gudoomiye kuxigeenka gobolka Gedo Maxamed Xuseen Al Qaadi ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalkaasi lagu gubay 3 ka mid ah Gaadiidka Dagaalka ee Shabaab.

Maxamed Xuseen Al Qaadi oo dhanka kale ka hadlay khasaarihii ka dhashay dagaalkii Baledxaawo ayaa sheegay in dagaalkaasi lagu dilay 13 ka mid ah argagixisada Shabaab.

Maleeshiyada Shabaab ayaa bilaabay Weeraro lagu dhibaateynayo Dadka Shacabka ah, tan iyo markii dagaal looga saaray deegaanadii ay maamuli jireen ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada...

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo galay maalintiisii labaad

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) oo sanadkan...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kalfadhiga 76-aad ee UNHCR

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...