Ururka Gabdhaha Aqoonyahanada Soomaaliyeed oo Deeq gaarsiiyay Gabdho Agoon ah

Date:

Muqdisho (SONNA) Ururka Gabdhaha Aqoonyahanada Soomaaliyeed ee Ugaaso oo ay ku mideysan yihiin gabdhaha wax ka bartay Jaamacadaha kala duwan ee dalka ayaa deeqdan raashinka ah gaarsiiyey gabdhaha kujira Xarunta Xanaanada Gabdhaha Agoonta Soomaaliyeed ee degmada Boondheere.

Xamdi Maxamed Cali Guddoomiyaha Ururka Ugaaso ayaa sheegtay in deeqdan ay ugu talo galeen gabdhaha Agoonta ah oo xiligan u baahan garab istaag iyo in lala socdo noloshooda.

Maamulaha Xarunta Xanaanada Gabdhaha Agoonta Soomaaliyeed Nuurto Maxamed Cadow ayaa muujisay in deeqdan raashinka ah ay ka turjumeyso doorka gabdhaha Aqoonyahanada ah ay ku leeyihiin u sama falka dadka mudan in la caawiyo oo agoontu ay ugu horeeyaan.

Ururka Gabdhaha Aqoonyahanada Soomaaliyeed ee Ugaaso ayaa ka shaqeeya sare u qaadista iyo horumarinta gabdhaha, caawinta dadka danta yar iyo sameynta Barnaamijka ka qeyb qaadanaya horumarinta Waxbarashada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...