Qarax naftii halignimo ah oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo goor dhowy Baydhabo ka dhacay

Date:

Muqdisho(SONNA)  War goor dhow inaga soo gaaray magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in qarax sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay bartamaha magaaladaasi.

Sida uu ku soo waramayo wariyeheena Baydhabo Siraaji SHeekh Isxaaq,Qaraxaasi ayaa ka dambeeyey markii qof naftii halige ah oo isku soo xirey waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay maqaayad lagu magacaabo Barwaaqo oo ku taala bartamaha magaaladaasi.

Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed Soomaaliya Ugaas Xasan ayaa SONNA u sheegay in qaraxaasi uu dhacay balse aan qasaaraha la ogaan karin weli, dibna ay ka soo sheegi doonaan.

Goobtaasi ayaa waxaa ku sugnaa dad badan oo shacab ah, lamina xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ah oo qaraxaasi geystay.

Goobta waxaa soo gaarey mas’uuliyiin iyo saraakiil,ammaanka ayaa isweyn loo adkeeyey waxaana dadkii dhaawacmay loola cararay isbitalka magaaladaasi.

Wixii soo kordho kala socoSONNA.SO

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliska CXD oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saakay ee magaalada Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada...

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay Saddexdii Xubnood ee Ka Dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyey liiska saddexda (3) xubnood...

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga Ruushka

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Soomaaliya oo Taageero U Muujisay Kuwait Kadib Weeraradii Gantaalka Iyo Diyaaradaha Drones-ka

War-Saxaafadeed. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujineysaa garab istaag buuxa oo...