Masar oo si kulul u cambaareysay weererkii Maleeshiyada Shabaab ay ku qaadeen Deegaanak Buulo-Guduud

Date:

Muqdisho(SONNA) Dowladda dalka Masar ayaa si kulul u cambaareysay talaabadii maleeshiyada Shabaab ay ku weerareen Xero ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin Deegaanka Buulo-Guduud ee duleedka magaalada Kismaayo.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Masar ayaa la sheegey in Xukuumadda Qaahira, ay siweyn u dhaleeceynayso, weerarkaasi oo maleeshiyaadka Shabaab ku qaadeen ciidamada Dowladda eek u sugan Jubbada Hoose.

Bayaanka ay soo saartey Dowladda Masar ayaa lagu muujiyay in Masar ay ixtiraamayso xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya wadamada Soomaaliya iyo Masar, islamarkaana ay garab istaagayso shacabka iyo Dowladda Soomaaliya.

Arrimahani ayaa ku soo beegmaya xili dhawaan madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Max’ed C/llaahi Farmaajo iyo wefdi uu  hogaaminayay ay booqasho rasmi ah ku tagay dalkaasi Masar, halkaasi oo ay heshiisyo kula soo galeen madaxda dalkaasi.

Xiriirka dhanka diblomaasiyadda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar ayaa ah mid soo jireen ah,waxaa sii xoojinaya Soomaaliya oo xubin ka ah ururka Jaamacadda Carabta oo xaruntoodi ku taalo magaalaad Qaahira ee Caasimadda dalkaasi Masar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...