Masar oo si kulul u cambaareysay weererkii Maleeshiyada Shabaab ay ku qaadeen Deegaanak Buulo-Guduud

Date:

Muqdisho(SONNA) Dowladda dalka Masar ayaa si kulul u cambaareysay talaabadii maleeshiyada Shabaab ay ku weerareen Xero ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin Deegaanka Buulo-Guduud ee duleedka magaalada Kismaayo.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Masar ayaa la sheegey in Xukuumadda Qaahira, ay siweyn u dhaleeceynayso, weerarkaasi oo maleeshiyaadka Shabaab ku qaadeen ciidamada Dowladda eek u sugan Jubbada Hoose.

Bayaanka ay soo saartey Dowladda Masar ayaa lagu muujiyay in Masar ay ixtiraamayso xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya wadamada Soomaaliya iyo Masar, islamarkaana ay garab istaagayso shacabka iyo Dowladda Soomaaliya.

Arrimahani ayaa ku soo beegmaya xili dhawaan madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Max’ed C/llaahi Farmaajo iyo wefdi uu  hogaaminayay ay booqasho rasmi ah ku tagay dalkaasi Masar, halkaasi oo ay heshiisyo kula soo galeen madaxda dalkaasi.

Xiriirka dhanka diblomaasiyadda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar ayaa ah mid soo jireen ah,waxaa sii xoojinaya Soomaaliya oo xubin ka ah ururka Jaamacadda Carabta oo xaruntoodi ku taalo magaalaad Qaahira ee Caasimadda dalkaasi Masar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha BJFS oo guddoomiyay Shirka Guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Golaha Wasiirrada oo bogaadiyeen howlgallada dalka looga sifeynayo khawaarijta

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Wasiir Biixi oo kulan la qaatay Madaxda Sare ee Sanduuqa horumarinta dhaqaalaha Carabta 

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...

Wasiir Beene-beene oo la kulmay Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud...