Wasiirka Howlaha Guud oo sharxay dhismaha guryaha uu Turkiga balanqaaday

Date:

Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saadiq Cabdullaahi Cabdi oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyey Wasiir ku-xigenka Wasaaradda, Xildhibaan Jamaal Xasan Cusmaan, ku-simaha Agaasimaha guud iyo mas’uuliyiin kale oo katirsan Wasaaaradda.

Wasiirka oo warbaahinta kula hadlay garoonka Diyaaradaha ayaa faah faahin ka bixiyay kulamo uu dalka Turkiga uu kula soo yeeshey mas’uuliyiin kala duwan, waxaana ugu muhiimsan dabagalka qorshihii dhismaha toban kun ee guryo oo dowladda Turkigu ay balanqaaday oo uu sheegay in ay meel fiican marayaan.

“Safarkeena waxaa uu ku saabsanaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka labada dal, gaar ahaan arrimaha dib u dhiska, waxaan tagnay magaalooyinka Ankara iyo Antalya, waxaana la kulanay mas’uuliyiin iyo ganacsato si fiican ayay inoo soo dhaweeyeen, waxaana kala hadalnay sidii Soomaaliya looga caawin lahaa dib u dhiska dalka, gaar ahaan arrrintii dhismaha toban kun ee guryo, ayaana kala hadalnay meel fiican ayay marayaan, dhawaan ayaana si faah faahsan uga hadli doonaa howlaha Wasaaradda”. Ayuu yiri Wasiirka Howlaha Guud.

Wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa guud ahaan dalka gaar ahaan kaabayaasha ugu muhiimsan wadanka oo in muddo ah burbursan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...