Daah furka barnaamijka Bandhig Carweedka Dhaqanka iyo Farshaxanka ayaa waxa furay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Taabit Cabdi Maxamed , kuxiggeenadiisa iyo Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir Subeyda Maxamed Mukhtar.
Guddomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi. Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Maxamed Abuukar Isloow, xilibaano iyo shacabka Caasimada ayaa kasoo qeyb galay Daahfurka Bandhigan
17 ka Dagmo ee Gobolka Banaadir haweenka ku dhaqan ayuu u ahaa mid lagu dhiira galiyo xirfadohooda kasoo maamulka kaga gol lahaa soo nooleynta Hiddaha iyo dhaqanka ee dalkeena uu caanka ku yahay.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed, ayaa Shacabka Somaliyeed ugu baaqay in lasoo celiyo dhaqankii soo jireenka ahaa ee soomaaliya kaga tilmaamneed dunida inteeda kale.