Doorasho Maanta ka dhacaysa Magaalada Xudur ee G/Bakool

Date:

Doorashada Maamulka iyo Golaha deegaanka Degmada Xudur ee Xaruunta Gobolka Bakool ayaa lagu wadaa in ay maanta ka dhacdo godaha Magaaladaasi kaasoo ay  dooran doonaan bulshada deegaanka.

Doorashada ayaa waxaa ka qeybgalaya Ma’suuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya,xubno ka tirsan Wasaaradda Arrimaha gudaha xukumadda Federaalka Soomaaliya,Odayaasha iyo qeybaha kala duwan ee Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliya ee Gobolka Bakool Maxamed Xasan C/raxmaan ayaa soo sheegaya in Saaka ay socoto qaban qabada dooroshada Maamulka Degmada Xudur si weynna loo adkeeyay Amaanka Magaalada Xudur maadaama ay kasoo qeyb galayaan Ma’suuliyiin sar sare.

Maamulka koonfur galbeed Soomaaliya ayaa wada dhismaha iyo xoojinta Maamulada degmooyinka Gobolada Baay,Bakool iyo shabeelaha hoose oo dhamaan ka tirsan deegaanada hoos yimaada Maamulka koonfur galbeed Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...