Doorasho Maanta ka dhacaysa Magaalada Xudur ee G/Bakool

Date:

Doorashada Maamulka iyo Golaha deegaanka Degmada Xudur ee Xaruunta Gobolka Bakool ayaa lagu wadaa in ay maanta ka dhacdo godaha Magaaladaasi kaasoo ay  dooran doonaan bulshada deegaanka.

Doorashada ayaa waxaa ka qeybgalaya Ma’suuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya,xubno ka tirsan Wasaaradda Arrimaha gudaha xukumadda Federaalka Soomaaliya,Odayaasha iyo qeybaha kala duwan ee Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliya ee Gobolka Bakool Maxamed Xasan C/raxmaan ayaa soo sheegaya in Saaka ay socoto qaban qabada dooroshada Maamulka Degmada Xudur si weynna loo adkeeyay Amaanka Magaalada Xudur maadaama ay kasoo qeyb galayaan Ma’suuliyiin sar sare.

Maamulka koonfur galbeed Soomaaliya ayaa wada dhismaha iyo xoojinta Maamulada degmooyinka Gobolada Baay,Bakool iyo shabeelaha hoose oo dhamaan ka tirsan deegaanada hoos yimaada Maamulka koonfur galbeed Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...