Dowladda Suudaan oo soo dhaweysay cunaqabateyntii uu ka qaaday Mareykanka

Date:

Dowladda Suudaan ayaa soo dhaweysay cunaqabateyntii dhinaca dhaqaalaha ee laga qaaday, taasi oo saarneyn muddo 20-sano ah.

Suudaan ayaa sheegtay in arintaani ay tahay talaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka horumarka, waxeyna intaasi raacisay in lagu soo beegay xili munaasib ah.

Talaabadan ayey Suudaan sheegtay in ay kaalin weyn ka qaadaneyso horumar iyo koboc uu sameeyo dhaqaalaha Suudaan, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Suudaan.

“Tani waxey keeneysaa in dib uu usoo noqdo xiriirka nidaamka Banki ee Suudaan ay la leedahay Bankiyada caalamka” ayuu yiri guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Suudaan.

War Maraykanka ka soo baxay ayaa lagu sheegay in dowladda Suudaan ay horumar ka samaysay xuquuqul insaanka.

Dalka Suudaan waxaa saarnaa cunaqabatayn ganacsi iyo xayiraado kaleba. Geedisocodka Suudaan xayiraada looga qaaday waxaa bilaabay madaxweynihii Barack Obama.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

Hay’adda Qatar Charity, oo kaashanaysa Safaaradda Dowladda Qatar ee...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Mogadishu, Friday, 20th February, 2026 1- President Hassan Sheikh Mohamud...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

Muqdisho, Jimco, 20-ka Febraayo 2026 1'Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo kala saxiixday Heshiis Dekadaha iyo Gaadiidka ah

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka...