Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Soomaaliya oo kulan la qaatay gudoomyaha hey’adda Turkiga ee Turkiga

Date:

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xuukuumadda F. Somaaliya Mudane Saciid Xuseen  oo safar shaqo ku jooga dalka Turkiga ayaa kulan la qaatay xarunta dhaxe ee hay”adda Tika, Guddoomiyaha Hay”addaaasi, sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Danjiraha Soomaaliya ee Turkiga  Jaamac Cabdulaahi Caydid.

Wasiirka Beeraha Soomaaliya iyo Dr.Serdar Cam, Gudoomiyaha Heyadaha Horumarinta Caalamiga ee loo soo gaabiyo TIKA, ayaa kulanka ay yeeshan waxaa ay ugu wada hadleen  iskaashiga ka dhaxeeyo labada dal, sidii  kor loogu qaadi lahaa  isla amrkaana sare loogu qaadi lahaa Mashaariicda horumarineed oo Hay”adda TIKA  ka waddo Soomaaliya.

Mudane Saciid Xusen  Wasiirka Beeraha ayaa uga  mahad celiyay Dowladda Turkiga iyo gaar ahaan Heyadda TIKA mashaariicda badan ee ay ka fuliyeen Soomaaliya kuwaasoo isugu jira dhinacyada caafimaadka,Waxbarashada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Wasiirka Beeraha ayaa bogaadiyay Hay”adda TIKA sida ay kaalin muuqata uga qaadatay la dagaalanka cunto yaraanta iyo wax soo saarka dalagyada beeraha.

Gudoomiyaha TIKA Dr.Serdar ayaa dhinaciisa muujiyay siday ay  diyaar  ugu   yihiin kordhinta mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya, isagoo sheegay in Beerahu ay ahmiyad gaar ah u leeyihiin dib usoo kabashada dhaqaalaha Soomaaliyed.

Gaba gabadii ayaa  labada Mas’uul ku heshiiyeen in la sii wado qorshaha iskaashi ee labada dhinac.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...