Xafiiska diiwaangelinta Xisbiyada siyaasadda oo maanta laga furay Muqdisho

Date:

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa markii ugu horreeysay furay diiwan galinta KMG ah ee Xisbiyada siyaasadda dalka.

Guddiga ayaa maanta soo soo bandhigay foomamka diiwaan galinta KMG ah, iyada oo ay goobta joogaan qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha xisbiyada siyaasadeed ee dalka iyo mas’uuliyiinta Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Xaliimo Sheekh Ismaaciil “Xaliimo Yarey” Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegtay in diiwaan galinta KMG ah ee maanta la daah furay ay fursad badan siineyso xisbiyada siyaasadeed ee dalka.

Xafiiska Diiwaangelinta ee guddiga ayaa u sharaxay xisbiyada goobta joogay habka iyo hannaanka ay isku diiwaan galinayaan, waxaana jiray su’aalo iyo talooyin ay xisbiyadu u jeediyeen guddiga,  hase ahaatee masuuliyiinta guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka ayaa u sheegay xisbiyada in wax waliba uu Dastuurka faahfaahinayo, iyaguna ay hirgalin doonaan.

Guddoonka xisbiyada qaar ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in guddigu uu qaaday talaabo muhiim ah oo muujineysa in looga gudbi karo nidaamka hab qeybisag ee hadda lagu shaqeeyo.

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa ku howlan hirgalinta doorashooyin qof iyo cod ah oo dalka ka qabsoonta mustaqbalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Turkiga oo Ankara ku yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga Warbaahinta

Ankara, 25 Febraayo 2026: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Wasiirro shir Jaraa’id ay qabteen uga hadlay Baadda Khawaarijtu ka qaaddo Shacabka

Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shir...

NISA oo 23 dhagar-qabe ku dishay howlgallo Ka dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

    WAR-SAXAAFADEED Muqdisho, February 24, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo...

Shir lagu xoojinayo Iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga oo ka furmaya Ankara

Magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxaa ka furmaya shir...