(DAAWO) Madaxweynaha Jubbaland oo ku baaqay in waxkasta wada hadal lagu dhameeyo, ayna fidinayaan gogol

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam โ€œAxmed Madoobeโ€ ayaa ku baaqay in Soomaalida ay isu muujiso qadarin iyo is ixtiraam, iyadoo la ilaalinayo danaha Ummadda.

Mudane Maxamed Axmed Islaam ayaa ugu horeyn faah faahin ka bixiyay socdaal uu dhawaan ku tegay Gobolka Gedo, halkaasi oo uu kula soo kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada, maamulka iyo saraakiisha ciidamada amniga oo ay ka wada hadleen sidii loo dar dargelin lahaa howlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.

โ€œDhowr iyo toban bari ayaan safar ku jiray oo gobolka Gedo ah, intii aan maqnaa dagaallo badan ayaa dhacay, balse waxaa jiray diyaar garow fiican oo ay ciidamada isku tashanayeen oo ay cadowgooda meel fiican bey ka gaareen ciidamada, waxaana ay hadda ku jiraan abaabul inay sifeeyaan degmooyinka qaar ee gobolka ka mid ahโ€ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in ciidamada ay door fiican ka qaadan doonaan sidii dib la isugu furi lahaa waddooyinka qaar ee gobollada Jubbooyinka ee ay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

โ€œWaxaa jira maalmahan wadanka Xaaladiisa waxaa mooddaa inay jiraan qilaafaad, iska bada hadal iyo is eed eed, Soomaaliya waxaan isleeyahay Nabad is afgarad iyo wadahadal ย ayaa wax lagu dhisi karaa, khilaaf wax buu dumiyaa mooyee, waxba ma dhiso, waxaana loo baahanyahay guud ahaan Soomaalida inay is ixtiraamto, heer gobolย  iyo heer Federaal intuba, isqadarin, is ixtiraam iyo wadatashi ayaa guul lagu gaari karaaโ€ ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

โ€œDalkan waxa uu u baahanyahay in la wada tashado, dalkan waxa uu u baahanyahay is afgarad wixii soo baxa in lagu dhameeyoโ€ ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweynaha Jubbaland ayna diyaar u yihiin inay gogol dhigayaan Kismaayo oo ay isu imaanayaan Madaxda dowlad goboleedyada oo looga hadlayo xaaladda dalka lagu hagayo iyo wixii tabasho ah oo ay u qabaan Madaxda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa xusay in qabyo qoraalka dastuurka ay ku jiraan qodobo iska hor imaanaya, loona baahanyahay in waxkasta laga fiiriyo Danta Guud.

Madaxweynaha Jubbaland oo ku baaqay in waxkasta wada hadal lagu dhameeyo, ayna fidinayaan gogol

ฮ”ฮทฮผฮฟฯƒฮนฮตฯฯ„ฮทฮบฮต ฮฑฯ€ฯŒ Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ฯƒฯ„ฮนฯ‚ ฮคฯฮฏฯ„ฮท, 26 ฮฃฮตฯ€ฯ„ฮตฮผฮฒฯฮฏฮฟฯ… 2017

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu soo dhaweeyey Dhuusamareeb

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...

Buur-Hakaba oo laga hirgeliyay garoon diyaaradeed

Degmada Buur-Hakaba ee Gobolka Baay, waxaa maanta cagadhigatey Diyaaradaha...

Wasaaradda gaashaandhigga oo soo dhoweysay saraakiil ka socota Ingiriiska

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda gaashaandhigga mudane Cabdifataax Cabdulqaadir...