Wasiirka Warfaafinta oo shaqo ka fariisin ku sameeyey Agaasimaha Guud & Agaasimaha Maamulka arrimo la xiriira eedeymo musuqmaasuq ah

Date:

Muqdisho, 09 April 2017 โ€“ HE Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), Wasiirka Warfaafinta Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaqadii ka fariisiyey Agaasimaha Guud & Agaasimaha Maamulka ee Wasaarada Warfaafinta arrimo la xiriira eedeymo maamul xumo iyo musuqmaasuq.

Eng. Yarisow oo la wareegey xilka Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya taariikhdu markii ay aheyd 02 April 2017, ayaa bilaabay inuu dib u eegis iyo u kuurgelid ku sameeyo dokumentigii xil-wareejinta isla markaasna uu xog-wareysiyo la sameeyey shaqaalaha Wasaarada, waxaana u soo baxday inay jiraan cabashooyin fara badan iyo eedeymo cul-culus oo tilmaamaya inuu jiro maamul xumo iyo musuqmaasuq baahsan oo ay masโ€™uul ka yihiin Agaasimayaasha shaqada laga fariisiyey.

Sidaas daraadeed, Wasiirka Warfaafinta waxuu shaqadii ka fariisiyey Agaasimaha Guud iyo Agaasimaha Maamulka ee Wasaarada Warfaafinta si hayโ€™adaha ay khuseyso ay u sameeyaan baaritaan rasmi ah oo la xiriira eedeymahaas cul-culus.

Dowladda Federaalka waxey ahmiyad gaar ah siineysaa la dagaalanka musuqmaasuqa.

Eng. Yarisow oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri โ€œUma dulqaadaneyno maamul xumo iyo musuqmaasuq toona, talaabadana waa bilow la doonayo in lagu hirgeliyo maamul wanaag leh isla xisaabtan iyo fur-furnaan si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed. Fariintan waa mid ku socota dhammaan shaqaalaha wasaarada oo cidii lagu helo maamul xumo iyo musuqmaasaq waxaa loo gudbinayaa hayโ€™adaha ay khuseyso. Musuqmaasuq waa waxa dalkan dib u dhigay, masโ€™uuliyadana waxey na fareysaa inaan ummada u horseedno maamul wanaag oo aan tusaale u noqono, si loo sii xoojiyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.โ€

Sidaas daraadeed, waxaa muhiim ah in Agaasimayaasha shaqo ka fariisinta lagu sameeyey ay qabsadaan qareen ka difaaca eedeymaha cul-culus ee musuqmaasuqa ah. Mudada ay baaristu socotana waxey xaq u leeyihiin waxii xaquuq ah ee uu sharcigu qabo.
DHAMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...