Khilaafka Iiraan iyo Mareykanka oo cirka isku shareeraya

Date:

Xasan Ruuxaani, Madaxweynaha Dalka Iiraan, ayaa khudbad uu ka jeediyay shirka Golaha Guud ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ee Newyork ayaa si kulul u dhaleeceeyey hadal uu dalkiisa ku weeraray  Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Madaxweynaha Iiraan ayaa ku tilmaamay hadalkii madaxweryne Trump mid uu ka muuqday nacayb iyo waxlaga xumaado,taasi oo uu isna jawaab ka bixiyay,wuxuuna intaasi ku daray dalkiisa aanu wax cabsi ah ka qabain hanjabaadda Mareykanka,kadib markiia Trump uu sheegay in Iiraan ay ku sifowday musuqmaasuq baahsan iyo colaad hurin.

Khudbadiisa ayuu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump  ku eedeyeey Xukuumadda Tehraan in ay hurinayso colaadaha ka taagan Bariga dhexe,kana soo horjeedo geedi socodka nabadda.

Madaxweyne Trump ayaa ugu baaqay Iiran in ay joojiso taageerada ay u fidiso argagixisada isla markaana waxa uu cambaareeyay heshiiskii uu Obama la galay Iiraan.

Hadal isna uu ka jeediyay shirka Golaha guud ee QM madaxweynaha wadanka Iiraan Xasan ruuxaani ayaa ku difaacay heshiiskii dalkiisa uu la galay maamulkii Obama, waxa uuna sheegay in Iiran ay si adag uga jawaabi doonto hadii dal kamid ah kuwii heshiiska barnaamijka nukliyerka saxiixay u ku xadgudbo.

Maamulka madaxweyne Trump ayaa wajahayo culeyso badan oo isugu jira dhinacyada Diplomaasiyadda iyo siyaasadda,kadib markii wadamo badan oo caalamka kamid ah oo ka dhigtay cadow,sida Kuuriyada Waqooyi oo uu Mareykanku u arko Cadowgiisa,Ruushak o khilaaf uu kala dhexeeyo,Iiraan Venezuela,iyo Cubba

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka qeyb gashay shirka Dhaqanka EAC 

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Shaqada XFS oo ka digtay ku-shaqeynta carruurta,

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Xildhibaan...

Soomaaliya iyo Turkiga oo yeeshay kulan Iskaashiga Amniga ah

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Mudane Xuseen Macalin, ayaa kulan...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay Markabka Shidaalka ee “Oruc Reis”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...