R/wasaaraha Soomaaliya oo Mareykanka kula kulmay Wasiirka Arrimaha dibada Ruushka

Date:

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre iyo Wafdi uu hoggaaminayo, ayaa gaaray Dalka Mareykanka, iyagoo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergey Lavrov iyo madax kale oo dowladaasi ka tirsan.

Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Fedraalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruusha Sergey Lavrov, ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka qotada dheer ee  labada dal ka dhaxeeya iyo sidii Dowladda Russia ay uga qeyb qaadan laheyd horumarinta Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca dhismaha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo qalabeyntooda.

Wafdiga labada dhinac ayaa isku afgartay qodobo dhowr ah, iyadoo lagu balamay in la kordhiyo kulamada ay yeelanayaan masuuliyiinta labada dowladood, si loo adkeeyo xiriirka muddada dheer jira ee Soomaaliya iyo Ruushka ka dhaxeeya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Maalinta Calanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay...