Arady Soomaliyeed oo ka qalinjebisay Kuliyadda Injineerinka ee Jaamacadda Suudaan

Date:

Xafladan oo ay ku qalan jibinayeen arday Soomaaliyeed oo gaareysay ilaa 30 arday ayaa waxey ka dhacday gudaha Jaamacadda Suudan kuliyadeeda injineerinka, iyagoo ardayda qalan jibisay ay isugu jirtay kuwa dhameeystay heerka Koowaad ee jaamacadda iyo heerka Labaad ee jaamacadda,

Waxaana ka soo qeyb galay Xafladda boqolaal ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee wax kabarata dalka Suudaan, Jaaliyadda Soomaaliyeed, Salaadiin , Xubno ka socday Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan iyo waliba qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ugu horeyn waxaa Xafladda hadal ka jeediyay Guddoomiyaha soo qaban qaabiyay Xafladda Cabdi Khaaliq Maxamed Maxamuud isagoona u mahadceliyay dhamaan ka soo qeyb galayaasha xaflada.

Qaar kamid ah ardaydii Soomaaliyeed oo halkaasi ka qalin jabiyay ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay in ay ku faraxsan yihiin guusha ay ka gaareen waxbarashadooda,iyagoo muujiyay sida ay diyaarka ugu yihiin in ay wixii ay barteen kaga qeyb qaataan dib u dhiska dalka.

Dalka Suudaan ayaa kamid ah wadamada Soomaaliya ka taageera dhanka waxbarashada,waxaana halkaasi wax ka barta boqolaal arday Soomaaliyeed oo deeqo waxbarasho ka heley Dowladda Dalkaasi Suudaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dekadaha XFS oo ka qeybgalaya shirka 34-aad ee Golaha Hay’adda Baddaha Adduunka.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur,...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Muqdisho ka furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magaalada Rabat kula kulmay dhiggiisa dalka Morocco.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo Booqday Xarunta Dhexe ee Warbaahinta Malaysia.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS,...