Ra’iisul Wasaare Khayre oo khudbad ka jeedin doona shirka Golaha guud ee QM

Date:

Shirka Golaha Loo dhan yahay ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayaa maanta ka furmaya Magaalada Newyorka ee Dalka Mareykanka,iyadoo Soomaaliya uu uga qeybgalayo wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre.

Wefdiga Raiisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa kamid Wasiirka Arrimaha dibadda Mudane Yuusuf Garaad Cumar iyo mas’uuiliyiin kale kuwaasi oo horey u gaaray Magaalada Newyorka,si ay u soo dhaweeyaan Ra’iisul Wasaraaha iyo wefdigiisa.

Arrimaha loga hadli doono shirkaasi oo ah mid guud ayaa waxaa qeyb ka ah taageerada wadamada soo koraya oo Soomaaliya ay kujirto,waxaana lafilaya in khudbad ku saabsan arrimaha Soomaaliya uu halkaasi ka jeediyo ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre.

Waxaa lafilayaa in shirkaasi uu Ra’iisul Wasaaruhu uu ku soo bandhigo horumarka ay ku talaabsatay Dowladda Soomaaliya iyo waxyaabaha ay uga baahantahay in caalamka uu ka taageero.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi oo Martigelisay kulan Afur ah

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Nairobi ayaa martigelisay Cashadii...

Mareykanka iyo Israa’iil oo duqeymo ka geystay Iiraan

Israa’iil ayaa sheegtay inay gantaal ku weerartay Iiraan, halka...

Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Türkiye, Hakan Fidan, ayaa Jimcihii...

Degmada Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan.

Degmada Buulo burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa...