Ra’iisul Wasaare Khayre oo khudbad ka jeedin doona shirka Golaha guud ee QM

Date:

Shirka Golaha Loo dhan yahay ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayaa maanta ka furmaya Magaalada Newyorka ee Dalka Mareykanka,iyadoo Soomaaliya uu uga qeybgalayo wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre.

Wefdiga Raiisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa kamid Wasiirka Arrimaha dibadda Mudane Yuusuf Garaad Cumar iyo mas’uuiliyiin kale kuwaasi oo horey u gaaray Magaalada Newyorka,si ay u soo dhaweeyaan Ra’iisul Wasaraaha iyo wefdigiisa.

Arrimaha loga hadli doono shirkaasi oo ah mid guud ayaa waxaa qeyb ka ah taageerada wadamada soo koraya oo Soomaaliya ay kujirto,waxaana lafilaya in khudbad ku saabsan arrimaha Soomaaliya uu halkaasi ka jeediyo ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre.

Waxaa lafilayaa in shirkaasi uu Ra’iisul Wasaaruhu uu ku soo bandhigo horumarka ay ku talaabsatay Dowladda Soomaaliya iyo waxyaabaha ay uga baahantahay in caalamka uu ka taageero.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay saraakiil ka socotay Ururka Dalxiiska Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada BFS oo kulan su’aalo–weydiin ah la yeeshay Wasiirka Caafimaadka

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka, ay hoggaamineysay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta...