Madaxweyne Trump oo khudbadiisa ugu horeysay ka jeedinaya shirka Golaha Guud ee QM

Date:

Donald Trump  Madaxweynaha Mareykanka ayaa lagu wadaa inuu maanta ka jeediyo khudbadiisii ugu horreysay shirka sanadlaha ah ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Mas’uuliyiin katirsan Aqalka Cad ayaa wariyaasha u sheegay in madaxweyne Trump uu si xoog leh u cambaareyn doona dalalka Kuuriyada Waqooti, Iran iyo Venezuela.

Trump wuxuu ka dalban doonaa xubnaha Qaramada Midoobay in ay ka horgataan gantaalada baalistiga iyo hubka niyukleerka ah ee xukuumadda Pyongyang ka hor inta aysan Kuuriyada Waqooyi noqon kuwo adag.

Wuxuu kale oo uu ka hadli doonaa mowqifka Dowladiisa ee ku wajahan khilaafka ka dhaxeeya maamulkiisa iyo Dowlada Iran. Iyo sidoo kale qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan dalka Venezuela.

Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa maanta ka furmi doona xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...