Madaxweyne Trump oo khudbadiisa ugu horeysay ka jeedinaya shirka Golaha Guud ee QM

Date:

Donald Trump  Madaxweynaha Mareykanka ayaa lagu wadaa inuu maanta ka jeediyo khudbadiisii ugu horreysay shirka sanadlaha ah ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Mas’uuliyiin katirsan Aqalka Cad ayaa wariyaasha u sheegay in madaxweyne Trump uu si xoog leh u cambaareyn doona dalalka Kuuriyada Waqooti, Iran iyo Venezuela.

Trump wuxuu ka dalban doonaa xubnaha Qaramada Midoobay in ay ka horgataan gantaalada baalistiga iyo hubka niyukleerka ah ee xukuumadda Pyongyang ka hor inta aysan Kuuriyada Waqooyi noqon kuwo adag.

Wuxuu kale oo uu ka hadli doonaa mowqifka Dowladiisa ee ku wajahan khilaafka ka dhaxeeya maamulkiisa iyo Dowlada Iran. Iyo sidoo kale qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan dalka Venezuela.

Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa maanta ka furmi doona xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeer ku sameeyay Ciidamo loo diyaariyay Xuska Todobaadka Xorriyadda

Guddiga Qaranka ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, oo...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan la Qaatay Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Qadar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war kasoo saartay duqaymo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...