Arday Soomaaliyeed oo Xaflad Qalinjabin ah Loogu Sameeyay Darka Kuweyd

Date:

Arday Soomaaliyeed oo deeq waxbarasho ka helay dowladda Kuweyd islamarkaana dhameystay Waxbarashada Dugsiga Sare iyo qaar sanadkaan ka qalin jabiyay Jaamacadaha dalkaasi ayaa xaflad qalinjabin ah loogu sameeyay Magaalada Kuweyd.

Munaasibadda oo aheyd mid si heersara ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeybgalay Waalidiin, Xubno matalayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kuweyd, Masโ€™uuliyiin mataleysay dowladda Kuweyd iyo Madaxda ugu sarreeysa Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas.

Fows Cumar Shidane oo ku hadashay magaca waalidiinta arday qalinjabineysay ayaa munaasibadda ka sheegtay in ay aad u faraxsantahay islamarkaana dareenkeedu uu yahay mid aan la qiyaasi Karin.

Qunsulka Guud ee Safaaradda Soomaaliya Danjire Abiib Muuse Faarax ayaa mahadcelin kadib dardaaran u jeediyay arday dhameysay jaamacadaha iyo kuwa ka soo baxay waxbarashada aasaasiga ah in dadaalkooda ay halkaas kasii wadaan.

Danjire Abuub wuxuu sheegay in cilmigu uusan dhamaad laheyn, loona baahanyahay in fursadda maanta ay heystaan ardaydu ay ka faaโ€™ideystaan maadaama ay wax ku baranayaan waddan xasilloon.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kuweyd Amb Cabdulqaadir Amiin Shiikh ayaa bogaadiyay dadaalka Ardayda, isagoo mahadcelin gaar ah u jeediyay shacabka iyo dowladda Kuweyd oo isugu daray soo dhaweyn iyo adeeg waxbarasho oo lacag laโ€™aan ah.

Mudane Cabdulqaadir Amiin ayaa xusay in safaaradda Soomaaliya ay sii xoojineyso garab istaagga ardayda Wax kabarata dalka Kuweyd, wuxuuna xusay in safaaraddu ay dabooshay dhan walba baahiyaha gaarka ah ee ay qabeen ardayda

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Abshirow oo ka qeyb galay kulanka 150-aad ee Baarlamaanka Adduunka

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Raโ€™iisul Wasaare Xamse oo xilka u kala wareejiyay wasiirka cusub ee Gaashaandhigga iyo wasiirkii hore ee Wasaaradaas

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre...

Raโ€™iisul Wasaare Xamse โ€œ Booqashada Laascaanood waa mid qorsheysan oo lagu xoojinayo xiriirka XFS iyo SSC Khaatumoโ€

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre...