Wafdi ka socday Hay’adda UNHCR oo booqday qaxooti Soomaali ah oo ku sugan dalka Yemen

Date:

Wafdi ka socday Hay’adda UNHCR ayaa  gaaray Xerada qaxootiga Al-kharaz oo ay ku jiraan qaxooti farabadan oo Somaali ah.
Qaxootiga ku nool xeradaasi Al-kharaz ayaa wafdigaasi kala hortagay mudaharaad ay ku dalbanayaan in laga gacan siiyo sidii ay dib ugu laaban lahaayeen dalkooda.
Qaxootiga ku nool Xeradaan waxaay sameeyeen mudaharaad ay ku dalbanayeen arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen sidii dib loogu celin lahaa dalkooda hooyo, maaddaama muddo shan bilood ah aysan wax jawaab ah helin.
sidoo kale qaxootiga ayaa dalbanayay adeegyada aas’aasiga ah iyo xuquuqdoodii Qaxootinnimo oo aysan helin muddo dheer.
Qaxootiga ku nool xeradaasi Al Kharaz ayaa waxaa soo wajahay durufo adag oo dhinaca nolosha ah, iyagoo an an helin wax kaalmo ah oo ay ku maareeyaan noloshooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi),...

Guddoomiyaha SODMA oo Geneva kaga qayb galay madasha caalamiga Yareynta Khataraha iyo Musiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle iyo...

Guddoomiyaha jannaale: Cadowga Khawaarijta waan dabar jaraynaa

Ciidamada kala ah Xoogga dalka iyo Sirdoonka qaranka NISA...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo...