Degmada Waaberi oo ku guuleysatay tartanka ciyaaraha degmooyinka Gobolka Benaadir

Date:

Waxaa xalay lagu soo gabagabeeyay garoonka Banaadir ee degmada C/casiisee magaalada Muqdisho,tartankaasi oo muddooyinkii dambe si xiiso leh uga soconayey magaalada Muqdisho.

Tartankan oo ay final-kiisa wada ciyaareen labada degmo ee Waaberi iyo Hodan, ayaa wareegii 1-aad ayaa ciyaarta waxay ku soo dhamaatay Waaberi 2-0 Hodan.

Ciyaarta oo ahayd mid aad u xiiso badnayd ayaa waxaa u soo daawasho tagay boqolaal dadweyne ah oo ka kala socoda degmooyinka Gobolka Banaadir.

Markii la isku soo laabtay ayaa kooxda Waaberi waxay dhalisay goolkii 3-aad, balse daqiiqado kadib ayaa kooxda Hodan la timid 1 goal waxaana gebi ahaanba ciyaartaasi ay ku soo dhamaatay Waaberi 3-1 Hodan.

Waaberi ayaa kulankii ugu dambeeyay ee Sami final-ka waxay soo reebtay Degmada Hilliwaa halka Hodan ay soo garaacday Kaaraan.

Kooxda kubadda cagta ee Waaberi ayaa caawa loo caleema saaray horyaalka degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana sanadkii hore tartanka degmooyinka gobolka Banaadir ku guuleysatay degmada Boondheere, oo ka qaatay Waabari.

Sikastaba 28-kii Agoosto 2014 ayey aheyd markii degmada Waabari ay finalka la ciyaartay Xamar Weyne, iyadoo Waabari loogu adkaaday 2-0, si lamid ah sanadkii xigay 2015 ayaa waxaa Wabari 1-0 ugu qaaday Boondheere,waana markii saddexaad oo xiriir ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...