R/Wasaare Khayre oo soo xiray Shir weynaha Qaran ee Xal u-helidda Qaxootiga Soomaaliyeed

Date:

Muqdisho, August 30, 2017….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa soo xiray shir weyne looga hadlayay Xal-u-helidda Qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka dib ugu soo laabanaya. Waxaana shirkani soo qaban qaabisay Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Federaalka, iyadoo mudadii saddexda maalin ee soconayay looga doodayay sidii xal maangal ah loogu heli lahaa qaxootiga iyo barakacaayasha Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa, ayaa xiritaanka shirka uga dhawaaqay 1-da bisha agoosto in loo asteeyey maalinta qaxootiga Soomaaliyeed. Isla markaana ay muhiimad gaar ah u leedahay bulshada Soomaaliyeed maadaama ay in badan oo kamid ah ay ka hayaameen dalkooda mudadii colaaddu ay jirtay.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay sida loogu baahan yahay in laga fekero xal u helidda mushkiladaha jira oo sababay in dadka Soomaaliyeed ay maciin bidaan dalalka adduunka, wuxuna xusay in Xukuumaddu ay xoogga saari doonto sidii dadka Soomaaliyeed loogu abuuri lahaa nolol wanaagsan oo ay uga maarmi karaan qaxootinimada.

“Xukuumaddu waxay xoojin doonta daryeelka iyo dib-u-dejinta barakacayaasha gudaha, isla markaana waxay xil adag iska saari doonta maareynta habsami u soo noqoshada qaxootiga somaliyeed ee dalka dibeddiisa ku sugnaa mudada ka badan 30ka sano” ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in lagama maarmaan ay tahay inaan isku darsano caqliga si aan xal waara ugu helno arinta qaxootiga Soomaaliyeed, xukuumadda iyo madaxda dalkuna ay diyaar u yihiin dadaal walba oo gacan siinaya dadka qaxootiga ah.

“Wallow illaahey nooga raayay Abaarihii iyo dhibkii, balse dadka liita u samafalkiisa waxay noo tahay muhiimada koowaad, dalka gudihiisa iyo Dibadiisa Qaxootiga joogana mar kasta waa inaan ka fikirnaa”.ayuu raaciyey R/Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu danbeyntii kula dar-daarmay bulshada Soomaaliyeed inay is cafiyaan gacana isa siiyaan. Isagoo tilmaamay in qabyaaladdu ay tahay astaanta bur-burka dawladnimada.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...