Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka sare oo qaabilay ku-xigeenka Xoghayaha guud ee QM

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Jeffrey Feltman oo ah ku-xigeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee dhinaca siyaasadda.

Kulanka oo ay sidoo kale waxaa ka qeyb galay Gudoomiyaha Golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Dalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Wasuiirka dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil iyo wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha soomaaliya, waxaana looga hadlay dhameystirka dastuurka dalka iyo sidii loo de dejinta lahaa.

Xoghayaha guud ee golaha shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux ayaa sheegay in shirka looga hadlay hal qodob oo ah dhameystirka geeddi socodka dastuurka, isla markaana waqti gaaban lagu sameeyo dastuurka, iyadoo lala kaashanaya qeybaha kale ee bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay xuska 15 guurada dib u curashada xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Muqdisho Kulan kula Qaatay Duqa Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Beijing Kaga Hadlay Horumarinta iyo Casriyeynta Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...