Horjooge ka tirsan maleeshiyaadka Shabaab oo isu soo dhiibay Ciidamada Xogga Dalka

Date:

Horjooge ka tirsanaa Maleeshiyaadka Shabaab ayaa goor dhaweyd oo maanta ah isu soo dhiibat ciidamada XDS ee ku sugan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Horjoogahan oo magaciisa lagu sheegay Sakariye Ibraahin C/llaahi ayaa dhanka caafimaadka u qaabilsanaa maleeshiyaadka Shabaab ee ku sugan deegaannada Bari ee gobolka Galgaduud, wuxuuna si iskiis ah isugu soo dhiibay ciidamada XDS ee ka howlgala deegaanno ka tirsan degmada Maxaas.

Jeneraal Axmed Maxamed “Taree Dishe” oo ka mid ah saraakiisha ciidamada XDS ayaa Radio Muqdisho u sheegay in Horjoogahan oo 19 sano jir ah uu soo galay gacanta dowladda, kaddib markii uu si iskiis ah usugu soo dhiibay ciidamada.

Sidoo kale Horjoogahan ayaa sheegay in uu u dulqaadan waayay tacaddiyada iyo gaboodfallada ay u geystaan shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaannada ay haraadiga ku yihiin maleeshiyaadka Shabaab.

Horjoogayaal ka tirsanaa maleeshiyaadka Shabaab ayaa hore isugu soo dhiibay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan lagu soo dhaweynayo dhammaystirka Dastuurka dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan lagu soo dhoweynayay dhammaystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Kismaayo oo u gudubtay wareegga 3-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan

Degmada Kismaayo oo ka tirsan Gobolka J/Hoose ayaa u...

Fariinta Madaxweynaha JFS ee Maalinta Haweenka Adduunka

Hambalyo iyo bogaadin ayaan u dirayaa dhammaan haweenka Soomaaliyeed,...

Mas’uuliyiinta Gaashaandhigga XFS oo boogaadiyay kaalinta gabdhaha ee ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay...