Guddoomiye Najax โ€œWaxaan qorsheyneynaa inaan adeega dowliga ah gaarsiino goobaha lagala wareegay Al-Shabaabโ€

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda Gobolka iyo masโ€™uuliyin kale ayaa kormeer ku sameeyay wadada xiriirisa Degmada Afgooye iyo Deegaanka Nambar 50 ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Ujeedka kormeerka ayaa ahaa in masโ€™uuliyinta gobolka ay ugu kuurgalaan xaaladda amni ee waddada, iyadoo wadada xiriirisa nambar 50 iyo Degmada Afgooye ay muhiim u tahay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha,

Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose ayaa kulan looga hadlayay xaaladda amni ee waddadas waxa uu la qaatay saraakiisha AMSIOM ee ku suganย  deegaanka Nambar 50 iyo maamulka deeganka

Guddoomiyaha Deegaanka Nambar 50 Cabullahiย  Cali Axmed Waafowย  ayaaย  guddomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose uga mahadceliyay booqasahda uu ku yimid deegaanka,ย  isago sheegayย  in xaaladda amni ee waddada tahay mid la isku haleyn karo.

Guddoomiyahaย  Gobolka Shaabellaha Hoose Mudane Ibraahinm Aadan Cali Najax ayaa bulshada ku dhaqan deegaanka Nambar 50 ugu baaqay in ay ka qeybqaatan dagaalka lagula jiro argagixisada, isagoo shegay in howlgalka lagu baacsanayo Al-Shabaab ee ku dhuumalesanayo qeybo ka mid ah Gobolka Shabellaha Hooseย  uu sii socon doono.

Dhawaan ayay ahayd markii ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM oo is garabsanaya ay la waregen deeganka Bariire iyo Tulooyin hoos yimada, iyado maamulka Gobolka Shabellaha Hoose uu shegay in deganada lagala waregay Shabaab ay gaarsiin doonaan nidaamka dowliga ah.

Maxamed Cali Cumar Jubba

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...