Wasiir Xoosh oo la kulmay Guddiga Baarlamaanka ee La-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka

Date:

Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ay wehliyeen Agaasimaha Guud iyo La-taliyayaal ka tirsan Wasaaradda ayaa maanta la kulmay Guddiga Baarlamaanka ee La-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Aqalka Sare ayaa waxaa ugu horeeyn Wasiirka iyo Xubnahii la socday soo dhaweeyay Gudoomiyaha Guddiga Senator Cabdi Cawaale Qaybdiid.

Intaa kadib, Wasiir Cabdi Xoosh ayaa Guddiga uga warbixiyay hawlaha Wasaaradda ay wado.

โ€œAnaga markii aan la wareegnay xilka Wasaaradda waxa aan goโ€™aansanay in aan bilaawno u diyaar garowga Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka, waxa aan kulamo wadatashi ah ku qabanay qaar kamid ah dawlad goboleedyada oo aan ku dhageeysaneynay raโ€™yiga shacabka ee ku aadan Ololaha dib-u-eegista Dastuurka ee dalka ka bilaabmi doona sanadkanโ€ ayuu yiri Wasiirka.

Sidoo kale, AVV Cabdi Xoosh oo ka hadlayay muhiimadda ay leedahay wadashaqayn dhexmarta Wasaaradda iyo Guddiga ay yiri โ€œIn aan wadashaqayn idin la yeelanno waa mid lagama maarmaan ah oo aan suโ€™aal la gelin karin oo ay tahay in aan bilawno, diyaar ayaan idiin nahay waqti walba oo aad noo baahataan si aad suโ€™aallo nooga weydiisaan hawlaha socda; farxad wayn bay ii tahay in aan wadashaqayno Guddigan oo xubnaha katirsan badankood aanu nahay asxaab horey u soo wadashaqeysay oo kawada tirsanaa Baarlamankii 9aadโ€ ayuu yiri Wasiirka.

Dhanka kale, Gudoomiye Cabdi Qaybdiid ayaa Wasiirka uga mahadceliyay hawlaha ay Wasaaradda qabatay, waxa uuna u ballanqaaday in ay si dhaw u wadashaqayn doonaan si dadka Soomaaliyeed ay u heelaan Dastuur dhameeystiran.

Gebagabadii, Wasaaradda iyo Guddiga La-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka ee Baarlamaanka ayaa ku ballamay wadashaqayn.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad oo maanta ka furmaya dalka

Waxaa maanta si rasmi ah guud ahaan dalka uga...