Ciidanka Xoogga Dalka oo Al-shabaab kala wareegay deegaano katirsan Sh/Hoose

Date:

Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Sh/Hoose C/fitaax Cabdi Cabdulle oo lahadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ciidanka Xoogga Dalka ay howlgalo ka sameeyeen deegaano katirsan gobolka Sh/Hoose, waxaana uu sheegay in ciidanku ay la wareegeen deegaano horey ay ugu sugnaayeen Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Deegaanada ay qabsadeen ciidanka xooga dalka ayaa waxaa kamid ah Bariire, Sabiible, Caanoole, Mareerey iyo tuulooyin kale oo ay ku sugnaayeen maleeshiyada Shabaab.

C/fitaax Xaaji Cabdulle guddoomiye ku xigeenka maamulka Gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegey in ciidamada Dowladda siweyn loogu soo dhaweeyey deegaanadii ay qabsadeen, ayadoo la arkayay dadweyne aad u farabadan oo ku faraxsan howlgaladaasi dib u xoreynta ah.

Deegaanka Bariire ayaa kamid ah tuulooyinka hoostaga degmada Awdheegle ee gobolkaasi, halkaasi o la sheegay in laga taagay calanka Soomaaliyeed, islamarkaana laga dejiyay marada madow ee lagu yaqiinay maleeshiyada Al-shabaab.

Mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Shabeelada Hoose ayaa ugu baaqey shacabka ka soo jeeda deegaanadaasi in ay dib ugu so laabtaan guryohooda, islamarkaana laga qaaday culeyskii ay ku hayeen kooxaha argagixisada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Amniga koonfur-galbeed oo looga hadlay xoojinta Amniga

Madaxweynaha Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Guddoomiyey...

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray xarunta dambi baarista

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Dr Xabeeb iyo wafdi dhakhaatiir ah oo gaaray degmada Cadaado

Guddoomiyaha Cisbitaalka dhimirka ee Xabeeb, Dr. Cabdiraxmaan Cali Cawaale...

NISA oo hawlgal ku dishay in ka badan 12 khawaarij ah

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA...