Shir looga hadlayay horumarinta Soomaalida Finland kunool oo la soo geba gebeeyey

Date:

Magaalada Turku ee dalka Finland ayaa lagu soo gaba-gabeeyay shir looga hadlayay fursadaha ay dadka Somaaliyeed uhaystaan iney ganacsi ka sameystaan dalkan,   waxaana kasoo qeyb galay xubno katirsan dowladda Finland,  jaaliyaddaha Soomaalida dalkan Finland  iyo qurbajoog kale oo ka yimid dalalka kale ee Yurub.

Barnaamijkan oo loogu magac daray Iska Waran ayaa soconayay muddo labo maalin ah, waxaana lagu soo bandhigayay arrimo ay ka mid yihiin qaabka ay Soomaalidu ula qabsatay  nolosha Finland, gaar ahaan dhanka shaqadda iyo waxbarashada.

Sidoo kale Intii uu socday  shirkan waxaa lagu soo bandhigay tirada bulshadda Soomaaliyeed ee ku nool Finland,kuwaasi oo isugu jira kuwa dalkan qaxooti ahaan kusoo galay iyo kuwa ku dhashay.

C/Shakuur Cali oo ah qaban-qaabiyaha Shirkan iyo guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaaladda Turku Sagal Maxamuud Cali ayaa si isku mid ah rajo ugu muujiyay in shirkan uu faa’ido weyn ukeeni doono dadka Soomaaliyeed ee dalka Finland ku nool.

“Runtii Soomaalida faa’ido weyn ayaa ugu jirta arrintani,hadii ay ahaan lahayd dhinacyada waxbarashada,ganacsiga iyo horumarka,waxaan dhiiro gelinaynaa in xoojinta barnaamijkan”, Ayay si isku mid ah u dheheen mas’uuliyiintani.

Xildhibaanada Soomaalida ah ee golaha deegaanka magaalooyinka Turku iyo Helsing oo shirkan ku sugnaa iyo ka qeyb galayaashii kale ee shirkan ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay si fir fircon uga dhex muuqdaan bulshadda laakiin ay muhiim u tahay in la helo ganacsi Soomaaliyeed oo lagu faani karo isla markaana bulshadda shaqo abuur iyo hormar u sameyn kara.

Shirka Iska Waran oo la qabanayo sanadkii labaad ayaa waxaa ugu dambeyn kasoo baxay natiijo wax ku ool ah,  oo faa’ido badan  u leh bulshadda Soomaaliyeed ee kunool dalkan Finland, waxaana sanadka soo socda lagu qaban doonaa magaaladda Helsinki ee caasimadda dalkan Finland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...