Guddoomiyaha G/Banaadir Taabit oo sharraxaad ka bixiyay wax-yaabihii u qabsoomay

Date:

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Taabit Cabdi Maxamed,ayaa maanta sharaxaad ka bixiyay waxyaabihii u qabsoomay ย Maamulka Gobalka iyo ย qorshayaasha kutalagal ah ee la doonayo ย in laga hirgaliyo Caasimadda Muqdisho.

Guddoomiyaha oo maanta ka qeybgalay kulanka golaha wasiirada ย Xukuumada Soomaaliya oo uu shir gudoominaaye Raโ€™isul Wasaaraha Xukuumada ย Mudane Xasan Cali Kheyre,ayaa xusay in ย Maamulka Gobolka Benaadir uu u qabsoomay wax badan oo dhaxalgal ah.

Mudane Taabid,waxa uu qiray in la hirgaliyay ย qorshayaal muuqda islamarkaana aan Caasimada horey looga qaban ,wuxuuna ka codsaday Dowlada Dhexe ee Soomaaliya in Maamulka Gobolka Banaadir loo kordhiyo dhaqaalaha soo galaย  si ย loo xaliyo howlaha Ballaraan ee maamulka hor yaalla.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir waa markii ugu horreysay ee uu Golaha Xukuumadda hor-dhigo Hiigsiga caasimadda iyo muujinta lakabyadaย  uu leeyahay isla xisaabtanka,isagooo soo bandhigay qorshe cusub oo lagu casriyeynayo Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...