Dagaal u dhexeeya maleeshiyada Alshabab iyo kuwo daacad u ah Abuu Mansuur oo ka dhacay Bokool

Date:

Wararka ka imaanaya deegaanka Abal oo katirsan gobolka Bokool ayaa sheegaya in dagaal u dhexeey maleeshiyaad katirsan argagixisada Alshabaab iyo kuwo kale oo uu watay Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur uu ka dhacay halkaasi kaasi oo qasare geystay.

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka oo SONNA ay laxiriirtay,dagaalka ayaa yimid markii maleeshiyaadkaAl-shabaab ay weerar ku soo gaadeen deegaanka uu kusugan yahay Abuu Mansuur oo u dhow magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bokool.

Saraakiisha Dowladda iyo mas’uuliyiinta deegaankaasi ayaanu weli wax war ah ka soo saarain dagaalkaasi.

Warar kala duwan ayaa  kasoo baxay dagaalkaasi, Dadka deegaanka l qaar waxay sheegayaan in Mukhtaar Roobow iyo maleeshiyada daacadda u ah ay ka baxsadeen goobta weerarka lagu qaaday ayna kusuganyihiin meel aan halkaa kafogeyn , halka wararkale ay sheegayaan in maleeshiyada Abuu Mansuur ay ku gacan sareyso dagaalkaasi.

kuwo kale ayaa tilmaameya in wali mukhtaar uu kusuganyahay gabadkisa hore , walina iska hor imaadkii manta dhacayna uu isaga kugacan sareeyo .

Horjoogayaasha Alshabaab ayaa wada hadal kula jiray jorjooge Abuu Mansuur balse la isku afgaran waayay taasi oo keentey in ay duulaan ku qaadan goobta uu kusuganyahay waxaana ka goan Shabaab in ay gacanta ku dhigaan Abuu Mansuur..

Dowladda Mareykanka Ayaa 23 jun ee sanadkan  Waxay Mukhtar Roobow kasaartey  Liiska Argigixisada Caalamiga ah , Kadib Markii Dowada Mareykanku Ay Sheegtey In mukhtaar Oo hore uga tirsanaa Alshabab Sanadan Danbe Uu Gooni uga baxay Sidaa darteedna Laga Saarey Abuu Mansuur liiska argigixida .

Wixii Markaa Kadanbeyey Mukhtaar Roobow wuxuu Cadadis Aad udaran kala kulmaayey dhanka horjoogayaash Al-shabaab.

XIGASHO:SONNA

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuurriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag...

Duqa Caasimadda oo xarigga ka jaray dhismaha waddada Daarusalaam

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay shirka Maalgelinta AUSSOM

Maxadwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...