Faah faahin ka soo baxaysa dabkii xalay ka kacay suuqa Bakaaraha ee Muqdisho.

Date:

Dabkan xooganaa oo xalay saqdii dhexe ka kacay suuq weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan qeybta lagu iibiyo Kabaha oo ku dhagan  ayaa geystay khasaare hantiyadeed.

Intii dabka uu socday waxaa ku gubtay goobo badan oo ganacsi ayadoo weli aan la xaqiijinin sababta dhabta ah ee dhalisay debkaasi,ganacsatadii goobohoodi debka uu ka kacay ayaa la soo gudboonaatay walwal iyo murugo ku aadan qasaaraha ka soo gaaray halkaasi.

Goor dambe saqdii dhex ayaa lagu guuleystay in debkaasi la damiyo kadib markii Gaadiidka Dab damiska iyo dadaweyne aad u farabadan kuwaasi oo iska kaashaday sidii debkaasi loo demin lahaa.

Majiraan qasaare nafeed oo laga soo sheegayo in uu dhaliyay debkaasi, marka laga soot ago qasaare maaliyadeed oo xoogan, sida ay sheegayaan ganacsatada suuqaasi.

Gubashada Suuq Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa noqotay mid aad u soo laalaabatay ayadoo,taasi oo ilaa iyo hadda dhalisay in dadku ay ku jahwareeraan sababaha keena debkan oo soo noqnoqda

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Culimada Soomaaliyeed oo banaanbax ka dhan ah Xadgudubka Israa’11l ka dhigay Taallada Daljirka Dahsoon.

Banaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Culimada Soomaaliyeed ayaa...

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed oo ka hadlay faragelinta Israa’11l.

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Suufo Yare, ayaa...

Bannaanbax ay Culimada Soomaaliyeed soo abaabuleen oo ka socda Muqdisho.

Magaalada Muqdisho waxaa saaka ka billowday bannaanbax ballaaran oo...

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay socdaalka wasiirka arrimaha dibadda Isreal ee Hargeysa

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...