Wasiirka haweenka oo sheegtay in la bilaabay araaji qabashada guddiga xuquuqul insaanka qaranka (Daawo Muuqaal)

Date:

Wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka ee xukuumadda Soomaaliya Deeqa Yaasiin oo la hadashay warbaahinta qaranka ayaa sheegtay in wasaaradda ay gacanta ku heyso dhismaha guddiga madaxa banaan ee xuquul insaanka Soomaaliya.

Deeqa Yaasiin ayaa sheegtay in wasaaraddu ay diyaarisay guddi ka kooban 19 xubnood oo loo xil saaray in ay soo xulaan xubnaha guddiga madaxa banaan ee xuquuqul insaanka oo ka kooban 9 xubnood.

“Waxaan isugu yeernay 19 xubnood oo loo bixiyay guddiga ku meel gaarka ah ee soo xulista musharaxiinta guddiga madaxa banaan ee xuquuqul insaanka, maamul goboleed kasta labo xubnood ayaa laga soo direy,” ayay sheegtay Deeqa.

Wasiirka haweenka iyo xuquuqa aadanaha ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in guddigan uu kaga duwan yahay guddiyadii hore in laga qeybgaliyay dhismahiisa qeybaha bulshada oo ay ku jiraan dadka baahida gaarka ah qaba.

“Waxaa soo dhameystirnay wajigii kowaad oo ahaa in xubnaha guddiga la isugu yeero tababar loo qabto, kadibna hadda waxaan galnay wajigii labaad ee xayeysiista 9 xubnood oo shalay aan ku dhawaaqnay,” ayay tiri wasiirka.

Deeqa Yaasiin, wasiirka haweenka iyo xuquuqda aadanaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa xustay in geedi socodkan lagu dhisayo guddigan uu yahay mid daah furan oo laga wada qeybgalay, iyadoona carabka ku dhufatay in ay ku dadaaleyaan sidii loo soo saari lahaa dad u qalma in ay noqdaan guddiga madaxa banaan ee xuquuqul insaanka.

Ugu dambeyn wasiirka ayaa tilmaantay in howsha wasaaradda ee ku aadan guddigan ay tahay fududeyn oo kali ah, hase ahaatee soo xulista xubnaha guddigan  ay shaqadoodu tahay guddiga KMG ee 19 ka kooban isla markaana marka ay howshooda soo gutaan wasaaraddu u gudbin doonto golaha wasiirada kadibna la hor geyn doono golaha shacabka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley ciyaarta...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...