Shirweynaha CAFIS oo muddo 2 maalmood ah 5-6 July, 2017 ka socday magaalada Turku ee dalka Finland ayaa waxaa soo abaabulay Suxufiyiin Soomaaliyeed oo is xilqaamay waxaana ka soo qeyb galay saxafiyiin, khubaro heer caalami, ururada bulshada ee dalka Finland, ka qeybgalayaal ay ka kala yimid Ingiriiska, Jabuuti, Switzerland ayaa lagu lafa-guray ugu dambayntiina lagu daah-furay is ololaha iscafiska, CAFIS.
Shirweynaha oo ay soo fududeeyeen Ururka Difaacayaasha Nabadda ee dalka Finland oo kaashanaya Lansi Suomen Somali Seura iyo Suomen Somali Seura oo ah laba urur soo Soomaaliyeed. Shirkaas waxa qabsoomidiisa qayb weyn ka ahaa suxufiyiin dareemay waajibka iyo xilka ka saaran dalkooda iyo dadkooda. Weriyayaasha ayaa ku dhiiraday qabashada howshan kadib wada tashiyo dheer oo ay la sameeyeen dad khubaro oo aqoon u leh maadada, taasina waxaa ka dhashay gogoshan lagu daahfurayo shirweynaha CAFIS oo ay marti geliyeen dadka soomaaliyeed ee deggan Finland gaar ahaan Turku.
Shirka ayaa waxaa furay Elina Rantanen oo ah madaxa magaalada Turku oo ah magaaladii martigelineysay shirka labada cisho ah, iyadoo soo dhoweyn kadib bogaadisay barnaamijka iyo muhiimada uu u yeelan karo xiligan Soomaaliya, balanqaadayna in ay ololaha taageeri doonaan.
Labadii cisho ee uu shirku socday ka qeyb galayaasha waxa ay isla qireen in arrinka IS CAFISKu u yahay ummadda soomaaliyeed lagama maarmaan heer shakhsi – oo qofkii caafimaad u tahay – iyo heer bulsho.
Waxyaalaha shirka lagu soo qaaday waxaa ka mid ah in aanay dadka keliya u baahneyn inay dhexdooda is cafiyaan, balse loo baahan yahay in aynu cafis weydiisano dhulkeenii iyo xitaa dhirteenii aynu godobta ka galnay ee aan xaalufinay!
Kasoo-qaybgalayaashii shirweynaha CAFIS waxay ku bogaadiyeen dhalinyaradii iyo aqoonyahankii iskood isu xilqaamay inay dadaalkan halkaas ay kasii wadaan ilaa ay ka miro dhalinayaan is CAFIS taam ah oo gaarta ah guri kasta iyo qof kasta.
Waxyaabihii ugu qiirada badnaa ee shirka ka dhacay waxaa ka mid ahaa gabar yar oo 11 sano jirta oo dadkii meesha isugu yimid weydiisay su’aalo ka qeybgalayaashii ka ilmeysiiyay. “Waxa aan ahay ilme caruur ah oo Soomaali ah, laakiin ma garanayo sababta maalin kasta loo dilo caruur Soomaaliyeed oo ila mid ah? ……….”, su’aalahaasi waxa ay ka mid ahaayeen kuwii ay is weydiisay gabar yar oo Soomaaliyeed oo 11 sano jirtay.
QODOBADA SHIRKA KASOO BAXAY
- Dadkii shirka isugu yimid waxa ay isla qireen inay dadka Soomaaliyeed ka daaleen colaad, ayna arkeen in aanay dhammaad lahayd, diyaarna u yihiin in la jebiyo gidaarka colaadda, laguna bedelo jawi is CAFIS, kaas oo kamid noqon doona tiirarka dib-u-heshiisiinta iyo dib-u-curashada Soomaalida cusub.
- In ay lagama maarmaan tahay in qof kasta oo Samowade ahi halkiisa uu adduunka ka joogo ka bilaabo dadaal lagu abuurayo jawi is CAFIS, isagoo ka bilaabaya nafsadiisa iyo gurigiisa,
waxaa la isla qaatay in aanay is-cafintu cid gaar ah u xilsaarnaaneyn, ay waajib tahay qof walba haduu xil hayo iyo hadduusan haynba uu kaalintiisa ka qaato. “daawanaayow, waa dadkaagii”!
- Ka-qeybgelayaashu waxa ay si hagar la’aan ah ugu muujiyeen inay ku faraxsan yihiin, ayna diyaar u yihiin qof waliba intii kaga soo aada uu ka qaato door muuqda.
- In howshan aan halkan lagaga harin, oo la qabto shirar kale oo caalamka daafihiisa iyo dalka gudihiisa ka dhaca oo ololahan ka bilowday daahfurka CAFISKA lagu taageerayo.
- Shirkani waxa uu ku baaqayaa in shirkii Hannaanka Dib-u-heshiisiinta ee Muqdisho ka dhacay 13-17 June 2017, dowladdu ka dhabayso is cafintu qeyb weyn ku yeelato, saxaafaddana door muuqda laga siiyo.
BAAQ
DAAH-FURKA CAFISKA ee magaalada Turku lagaga dhawaaqay waxa uu ugu baaqayaa qof kasta oo Soomaali ah, meel kasta oo uu jooogo, in uu marka hore cafis dalbada isna wax cafiyo, abaabulka iyo ololaha CAFIS ee bilaabmayna halkooda ka bilaabaan.
Waxa shirka CAFIS lagu soo gabagabeeyey tixihii taariikhda galay ee maansadii Dib-u-heshiisiin ee uu tiriyey Abwaan Abshir Bacadle
Duqowdiyo wax garadkow, fursadan dahabigaa qaata
Dad weynihiyo shacabkow, ayida dib u heshiisiinta
Dumarkiyo caruurtow qalbiga, nabad ka doon doona
Dhalinyarada duulaamadow, damiya baaruuda
Aqoonyahanki lagu daalayow, deynta soo celiya
Culimada dariiqooyinkow, daacad wax u sheega
Degaanada cadaawoobayow, dib u walaalooba
Dhamaad