W. Amniga Gudaha oo amarro cusub soo saartay

Date:

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay awaamiir cusub oo ku aadan amniga, iyadoo fartay Shirkadaha gaarka loo leeyahay inay soo diiwaan geliyaan Ilaaladooda.

Amarkan oo uu soo saaray Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa waxaa loogu baaqay shirkadaha gaarka loo leeyahay in muddo 30 cisho gudahood ku soo diiwaan geliyaan Ilaaladooda.

Wasaaradda Amniga ayaa dhowaan soo saartay amar loogu wargelinayo  Masuuliyiinta dowladda, sida Wasiirada iyo Xildhibaannada in ay muddo 15 cisho gudahood ku soo diiwaan geliyaan Ilaaladooda iyo hubka ay wataan.

Awaamiirta ka soo baxay Wasaaradda Amniga ayaa qeyb ka ah howlaha sugidda amniga caasimadda, iyadoo Ciidamada xasillinta ay wali ka howl galayaan qeybo ka mid ah magaalada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintii labaad

Waxaa maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho shirweynaha 3-aad...

Shirweynaha Haya’adda NIRA oo maalintii labaad ka socda Muqdisho

Waxa maalintii labaad ka socda Hoolka Teendhada Afisyooni ee...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo safar ugu baxay dalka Marooko

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane...