Madaxda Qaranka iyo boqollaal shacab ah oo salaadda ciidda Muqdisho ku wada dukaday

Date:

Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha Duqa Muqdisho, wasiirro, saraakiil ka tirsan dowladd iyo boqollaal dadweynaha ayaa salaadda Ciidda maanta ku wada dukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.

Dukadashada salaadda Ciidda kaddib madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa dadweynihii Masjidka yimid u jeediyey khubad, waxa uu ugu horreyn ugu hambalyeeyey  munaasabadda Ciidda guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, waxa uu yiri madaxweynaha “dadka Soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa in ay is caawiyaan maalmahan oo kale, gaar  ahaan dadka masaakiinta ah laga farxiyo oo ay nagala qeyb-qaataan farxadda ciidda, waxaan ku dedaaleynaa sidii aan u  xooin lahayn midnimada ummadda Soomaaliyeed”.

Sidoo kale madaxwyenaha ayaa shacabka Soomaaliyeed u jeediyey in ay xoojiyaan sidii ay u laba-laabi lahaayeen garab siinta ciidammada ammaanka maalmaha ciidda iyo maalmaha xorriyadda Qarankeenna, ciidanka ayuu kula dardaarmay in iyagana ay u naxariistaan shacabka oo si akhlaakh leh ula dhaqmaan meel walba oo ay joogaan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo uga warbixiyay Madaxda Qaranka wax-qabadka hay’adda

Guddoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle,...

Ra’iisul Wasaare Xamsa ” Guulaha la gaaray waxaa saldhig u ah sharuucda dalka oo la hagaajiyay”.

Xukuumadda DanQaran ayaa xalay bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigtay...

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay bandhigga wax-qabadka Xukuumadda Dan-Qaran 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Axmed Xuseen Cilmi,...