Madaxweynaha Puntland oo Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku Qaabilay Wasiirka Arrimaha Gudaha DSF

Date:

Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guddaha DFS iyo dib u heshiisiinta Dawladda Soomaaliya Mudane. Cabdi faarax Saciid Juxa, kaas oo saaka subax nimadii ka soo kici timay magaalada Gaalkacayo.

Kahor kulanka ayaa waxaa duleedka magaalada Garoowe kusoo dhoweeyey Wasiirka iyo weftigiisa masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, maamulka gobolka Nugaal kan degmada Garoowe, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, isimo, waxgarad, aqoon yahano iyo qaar kamida bulshada rayidka ah ee magaalada Garoowe.

Soo dhoweyn kadib Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guddaha DFS Mudane. Cabdi faarax Saciid Juxa iyo Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guddaha  Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa siwada jira ula hadlay bulsha magaalada Garoowe, waxaana ay  si isku mida uga hadleen muhiimada ay leedahay kawada shaqaynta amniga iyo is dhexgalka bulshadda Soomaliyeed.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guddaha Puntland Mudane. Axmed Karaash ayaa sheegay in shacabka Puntland markasta diyaar u yihiin is dhexgalka shacabka soomaaliyeed iyo sidii laysaga kaashanlahaa sugida amaanka Dalka, waxaana uu sidoo kale xushay in dawladda Puntland diyaar u tahay kawada shaqaynta waxkasta oo masiir u ah horumarka dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guddaha DFS iyo dib u heshiisiinta Dawladda Soomaaliya Mudane. Cabdi faarax Saciid Juxa oo shacabka magaalada Garoowe uga mahad celiyey soo dhoweynta diiran ee ay ku qabileen maanta  isaga iyo weftigiisa ayaa kubooriyey shacabka Puntland inay iska kaashadaan nabada iyo xasiloonida ay Puntland  ku caanbaxday, isla markaana ay markasta diyaar u ahaadaan sidii ay cadawgooda meel uga soo wada jeesan lahaayeen.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...