Dowladda Soomaaliya oo gacanta ku dhigtay Horjooge sare oo ka tirsan Al-Shabaab

Date:

Ciidammada xasillinta caasimadda ayaa gacanta ku dhigay horjoogihii Al-Shabaab ku qaabilsanaa dhibaateynta shacabka Muqdisho kaddib howlgal qorsheysan oo ay ciidanku ka sameeyeen Suuqa Bakaaraha ee  magaalada Muqdisho.

Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) oo shir jaraa’id ku qabtay madaxtooyada Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in ciidammada amniga Muqdisho gacanta ku dhigeen C/wahaab Khaliif Ciise (Tarabuunka) oo ah horjoogaha Al-shabaab Amniyaadka caasimadda u qaabilsan.

Mudan Ducaale Wasiirka Amniga Soomaaliyaa yiri “horjoogahaan oo dhibaato culus ku hayey shacabka Muqdisho ciidanka amniga ayaa qabtay xili uu si dhuumaaleysi ah ku joogay gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha, hey’ahada Bukhaabaraadka Soomaaliya ayaa muddo badan ku dabo-jiray soo qabashadiisa, si dhibaatadiisa ummadda Soomaaliyeed looga badbaadiyo”.

C/wahaab Khaliif Ciise (Ciise Tarabuun), Kooxda Al-Shabaa waxa uu u qaalibsanaa wax ay ugu yeeraan Amniyaadka Muqdisho ama dilalka qorsheysan ee argagixisadu ka geystaan caasimadda, tani ayaa dhabar jab weyn ku ah kooxda Al-Shabaab oo la wiiqay shabakadihii ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii kaalinta 1-aad ka galay Imtixaanka Dugsiyada Sare.

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO SHIR GUDDOOMIYEY KULANKA GUUD EE GOLAHA SHACABKA.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ciidanka Xoogga oo Fashiliyey Weerar Argagixisadu Saaka ku Qaadday Baydhabo

17- Aug Taliska Ciidanka XDS ayaa fashiliyay weerar ay...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...