Ciidammada amniga oo dad ay ajaanib ku jiraan ka soo badbaadiyey maqaayaddii la wareeraray caawa

Date:

Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa soo badbaadiyey  dad isugu jira ajaaniib iyo Soomaali kuwaas oo ku jiray gudaha Maqaayadda Posh Treats oo caawa fiidkii qarax xooggan uu ka dhacay agagaarkeeda.

Wararka ayaa sheegaya in in dadka la soo bad baadiyay ay isugu jiraan Itoobiyaan iyo Kenyan oo shaqaale ka ahaa Maqaayada Posh Treats.

Sidoo kale waxaa la soo bad-baadiyay dad kale oo ahaa dadkii maqaayadda ka cunteynayay, waxaana markii hore jiray xaalad hubaal la’aan.

Warar kala duwan ayaa markii hore ka soo baxaya qaraxa oo bartilmaameedkiisa la sheegay inuu ahaa maqaayada Posh, hase ahaatee waxaa muuqata in qaraxyada ay si isku mid u saameeyeen labada Maqaayadood ee Pizza House iyo Posh Treats.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegaya in ugu yaraan lix ruux ay ku dhinteen qaraxa, isla markaana ay jiri karaan in khasaaraha intaan ka badan karo.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada...