Wasiirka Amniga iyo xubno Wasiiro ah oo xalay kormeeray baraha ciidamada ee ku yaala caasimadda

Date:

Wasiirka Amniga, Wasiirka Warfaafinta, Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka iyo Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa kormeer howleed ku tegay goobaha ay ku suganyihiin ciidamada xasilinta amniga caasimadda, waxaana wafdiga hogaaminayay Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale.

Kormeerka ayey mas’uuliyiinta ku tageen baraha koontaroolada ee laga soo galo caasimadda iyo kuwa kale ee yaala faras magaalaha Muqdisho.

Ugu horeyn qaar ka mid ah saraakiishii iyo askartii ku sugnaa koontaroolada ay kormeereen Wasiirada ayaa mas’uuliyinta uga warbixiyay sida ay u socoto howlaha lagu xaqiijinayo Nabadgelyada Caasimadda

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa tilmaamay in ujeedka socdaalka ay ku tegeen baraha ay ku suganyihiin ciidamada ay tahay sidii loo dhiiri gelin lahaa ciidamada ku shaqada leh xaqiijinta Nabadgelyada caasimadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo Beijing kaga qaybgashay shir looga hadlaya diyaar-garowga iyo ka-hortagga masiibooyinka

Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha waxaa maanta ka furmay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay dabaal-daga 1-da Luuliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka...

Muqdisho oo si weyn looga xusayo 1-da Luuliyo

Magaalada Muqdisho waxaa ka socota munaasabad weyn oo loogu...