Shirweynaha Wadatashiga Qaran ee dib u heshiisiinta oo Muqdisho ka furmay

Date:

Shirweynaha wadatashiga Qaran ee hannaanka dib u heshisiinta Soomaaliya, ayaa ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana furay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuuumadda, iyadoo ay ka qeyb-galayaan, wasiirro ka kala socda dowladda Federaalka, dowlad gobolleedyada dalka, ururrada bulshada gobollada, Guddoomiyaha gobolka Benaadir iyo Culummaa’udiin Soomaaliyeed.

Shirkaan ayaa socon doona muddo shan maalmood ah, waxaana si  toos ah looga tashanayaa hannaanka dib u heshiisiinta, waxaana soo qaban-qaabisay wasaaradda ArrimahaGudaha Soomaaaliya.

Wasiirka Arrimaaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Mudane Cabdi Faarax Saciid (Juxa), ayaa ugu horreyn u Mahadceliyey howl-wadeenna wasaaradda, waxa uu sheegay in shirkaan  uu ku saabsan  wadadii loo mari lahaa dib u heshiisiinta Qaranka.

“shirkaan waxyaabaha ka soo bixi doono waxaa ka mid ah tallooyin dhaxalgal ah oo ku aaddan hannaan hufan oo dib u heshiisiinneed, shirkaanna waxa uu horu-dhac u yahay shirarka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo dhan, qodobbada shirka ka soo baxa waa inaan ka shaqeynnaa sidii loo dhaqangelin lahaa, khubarro badan ayaan u saarnay in ay keenaan sida looga  faa’ideysan karo hannaankaan, dadka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in aysan tallada farahooda ka  bixin oo ay is cafiyaan” ayuu yiri wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Ugu dameyn wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ugu baaqay cid walba oo ku howlan arrimaha dib u heshiisiinta in ay ku soo biirto shirweynahan oo ay keenaan tallooyinkooda muhiimka ah, wasaaradda Arrimaha Gudahana ayaa soo dhoweyn doonto cid walba oo tallo iyo isu keenidda ummadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho, ayaa u rajeeyey dadka Soomaaliyeed in shirkaan ka qeyb-galay uu noqdo kii soo gabo-gabeeya khilaafaaadka dadweynaha Soomaaliyeed ka dhaxeeya, dib u heshiisiinta waxa ay aas-aas u tahay nabadda, horumarka, Caddaaladda iyo Iskaashiga bulshada oo dhan, marnaba inaan laga harin arrimaha dib u heshiisiinta ayaan ku talinayaa,  waxa uu sidoo kale ku baaqay in laga qeyb-galo dardargelinta howlgallada nabadda ee ka socda magaalad Muqdisho.

“Caasmadaha dunida waxaa ku nool celis celis ahaan 10% Muqdisho waxaa ku nool in ka badan 25%, taas oo daliil ah in ay ku  wada nool yihiin bulsada Soomaaliyeed oo dhan, waxaan ugu baaqayaa dadweynaha Soomaaliyeed ee caasimadda ku nool  in ay isa-saamaxaan oo ay is cafiyaan, maadaama bil Barakeysan ee Ramadaan lagu gudo jir, shirweynahanna guul ayaan u rjeynayaa” ayuu yiri  Duqa Muqdisho.

.

 

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...